October 29, 2025

Booliska Maamulka Waqooyi Bari Oo Xabsiga Dhigay Nin Ku eedeysan Kufsi uu Ka geystay Laascaanood

 Ciidanka Booliska Maamulka Waqooyi Bari ayaa  sheegay  Magaalada  Laascaanood ay xalay, Ku Soo Qabteen Cawil Cumar Ganey, oo lagu eedeeyay inuu ka gaystay fal kufsi agagaarka degmada Laascaanood,  Boliska Ayaan Gacanta Ku Soo Dhigay.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in Cawil Cumar Ganey uu muddo toddobaad ah ku jiray raadinta ciidamada, kuwaas oo si qorshaysan ugu fuliyay howlgalka qaybta dambi-baarista ee degmada Laascaanood.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la qabtay uu hadda ku jiro saldhigga dhexe ee Magaalada  Laascaanood, waxaana la filayaa inuu gudaha maalmaha soo socda la horgeeyo hay’adaha garsoorka si uu u maro geedi socodka cadaaladda.

Boolisku waxay ku booriyeen bulshada inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro dambiyada, gaar ahaan kuwa kufsiga iyo amni-darrada, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Sidoo kale Waxa kale oo ay bulshada ugu baaqeen in si degdeg ah u la soo wadaagaan  cid kasta oo lagu tuhmo falalka noocan ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadgelyada bulshada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*