October 26, 2025

Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowlada Oo kufsi iyo dhac ka geysatay Muqdisho Iyo Boliska Oo Xabsiga Dhigay..

Sida ay wararka sheegayaan in Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ku xareysan xerada Urur Howleed, ay xalay kufsi iyo dhac ka geestay halka lagu magacaabo Quraca Buulo Ismaaciil oo ku dhaw isbitaalka Dayniile.

Sida aan wararka ku helay askartan ayaa isbaaro u dhigtay gaari Caasi ah oo la socdeen dad shacab ah, waxa ayna gaariga kala dageen kufsina u geesteen haweeney la socotay, halka moobeeladii ay wateen ka dhaceen rakaabkii kale ee gaariga la socday.

Sidoo kale  Falkan markii uu dhacay kaddib, ayaa la sheegay in mid kamid ah dadkii la dhacay uu aqoonsaday askartii kufsiga iyo dhaca geestay, waxaana isagoo dharka beddeshay laga soo dhax qabtay xerada Urur Howleed, halka midka kalana laga soo qabtay guri ku yaalla Dayniile.

Saraakiil iyo askar kale, ayaa marka raga la aqoonsaday isku dayay in arrinta si hoose loo dhameeyo, hasa ahaatee waxaa warkaasi ka biyo diiday oo xogta gaartay masuuliyiin iyo saraakiil booliis 

Ciidamada booliiska saldhigga degmada Dayniile, ayaa la sheegay in lagu wareejiyay askartan kufsiga iyo dhaca geestay, waxaana hadda ku socda ragan baaritaanno, iyadoona loo gudbinayo maxkamadda Ciidamada qalabka sida, si askartan burcada ah loogu qaado ciqaabta dambigii ay galeen.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*