Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay soo qorshaysay dagaal la xidhiidha maamulka hawada iyo socdaalka diyaaradaha, kaas oo la doonayo in lagu cunaqabateeyo shacabka Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge), oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dagaalka hawada ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya uu yahay mid lagu soo qaaday Somaliland, si cadaadis loogu saaro.Waxa uu intaas ku daray in iyadoo Dowladda Soomaaliya sheeganayso “Soomaalinimo”, haddana ay dagaal ku hayso Somaliland
.“Dowladda Soomaaliya iyo Soomaalida ay metesho ceeb iyo ayaan-darro ayay ku tahay in iyagoo hawshoodii ku fashilmay ay har iyo habeen isku dayaan in ay Somaliland hagardaameeyaan. Waa nusqaan weyn oo iyaga ku timid, waayo afka ayay ka leeyihiin ‘Soomaalinimo’ ayaan rabnaa, balse dhab ahaantii waxa ay doonayaan waa in ay shacabka Somaliland dhibaan si kasta oo ay u awoodaan,” ayuu yiri Wasiir Khadar Looge.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, uu masuul ka yahay in maamulka hawada si buuxda loogu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, isla markaana uu saxeexay heshiiska ay Soomaaliya hawada kula wareegtay xilligii uu Wasiirka Duulista iyo Hawada ka ahaa xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
“Sidee ayay ku heleen maamulka hawada?
Inaga ayaa u wareejinnay oo u ogolaanay inay maamulaan. Rag inaga mid ah ayaa saxeexay heshiiskaas, waxuuna ninka heshiiskaas galay ahaa Guddoomiyaha xisbiga KAAH,” ayuu yiri Wasiir Khadar.
Isagoo musuqmaasuq toos ah ku eedeeyay Guddoomiyaha KAAH, Wasiir Khadar waxa uu yidhi: “Guddoomiyaha KAAH waxaa ka xidran inuu ka hadlo saddex arrimood. Midda koowaad waa arrimaha hawada, midda labaad waa arrimaha biyaha, waayo waraaqihiisii biyaha la xiriiray way yaallaan, midda saddexaadna waa musuqmaasuqa.”
Wasiirku waxa uu sheegay in iyada oo hawada ay gacanta ku hayso hay’ad caalami ah, uu Guddoomiye Xaashi si toos ah ugu wareejiyay Dowladda Soomaaliya, isla markaana waxa maanta dhacaya ay yihiin natiijada falkaas uu sameeyay. Guddoomiye Xaashi ayaa dhawaan sheegay in arrinta hawadu ay tahay tijaabo ay marayso xukuumadda Somaliland.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in sharciga dal-ku-galka danabaysan ee ay Soomaaliya hirgelisay uu yahay mid lagu doonayo in lagu go’doomiyo shacabka Somaliland, isaga oo reer Somaliland ugu baaqay midnimo iyo wadajir.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hirgelisay nidaam la magac baxay dal-ku-galka danabaysan, kaas oo dadka Somaliland u safraya ku qasbaya inay dal-ku-gal ka dalbadaan hay’adda hawada Soomaaliya iyagoo adeegsanaya mareeg internet ah. Arrintani waxay caqabad ku noqotay shacabka Somaliland, maadaama xukuumadda Somaliland ay si cad u diidan tahay nidaamkaas.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag