October 7, 2025

Madaxweeyne Laftagareen “Howlgallada Amniga Ma joogsan Doono Waa Soconayaa”

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in ay soconayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’  deegaannada Maamulkaasi  kaddib markii qarax lala eegtay saraakiil iyo ciidan.

Madaxweeyne Laftagareen ayaa sheegay in howlgallada lasii xoojinayo waajibna uu ka saaran yahay inta nool maadaama saraakiisha geeriyootay ay naftooda ku waayeen Xureeynta dalkooda Hooyo  ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Waxa uu ku baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado howlgallada si loo xoojinayo nabadgalyada deegaannada Maamulka Goboleedka Koofur Galbeed,

Sidoo kale waxa uu caafimaad u rajeeyay askarta iyo saraakiisha dhaawaca ah.

Dhanka kale “Howlgallada Amniga ma joogsanayaan waa ay sii soconayaan, qarax baa dhacay uma istaagayaan, inta nool ayaa sii wadeysa dagaalka ka dhanka ah Cadawga, Intii dhimatay allaha u naxariisto” Madaxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*