October 26, 2025

Xildhibaanada Barlamaanka oo Dood Kulul ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Lacag Bixinta Qaranka iyo Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad Badeedka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda sideedaad ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayagoo ay garab fadhiyeen Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dood ku saabsan Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La Dagaallanka Burcad Badeedka iyo Ka Hortagga Afduubka, kaas oo markii ugu horreysay la ansixiyay sanadkii 1975-kii.

Mudanayaal badan ayaa ka hadlay muhiimadda ay shuruucdan u leeyihiin nidaaminta dhaqaalaha iyo amniga badda ee dalka.

Intii uu kulanku socday, qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sidoo kale soo jeediyay in 14-ka Oktoobar loo aqoonsado Maalinta Xusuusta Qaranka, balse doodda arrintaasi ayaa loo ballansaday in lagu laabto maalinta Isniinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka soo xiray, isagoo faray guddiyada khuseeya in ay soo ururiyaan aragtiyadii iyo talooyinkii ay xildhibaanadu soo jeediyeen, si hindise sharciyeedyadaasi loogu diyaariyo akhrintooda saddexaad.

Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed oo cusub, oo ay ka mid yihiin, Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Macaamilka Danabeysan, Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax Xumada, iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka beddelka Qeybta Lixaad ee Sharciga Iibka Qaranka ee 2016.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*