Sida ay Sheegatay Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeymo ka fulisay togga Baallade, halkaas oo ay weli ku sugan dagaalamayaal katirsan kooxda Daacish.

Ilo amni oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lagu beegsaday godad adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan firxadkii aacish, kuwaas oo ku go’doonsan togga Baallade.
Goobaha la duqeeyay ayaa lagu sheegay Hays, Baarikallaah iyo Marraagade, dhammaantoodna waxay ku yaallaan togga Baallade, halkaas oo ay ciidamada difaaca Puntland ku hareereeyeen kooxihii bartilmaameedka ahaa.
Saraakiil amni ayaa sheegaya in ciidamadu aroornimadii hore ee saaka weerar dhulka ah ku qaadeen goobihii xalay la duqeeyay, si ay u xaqiijiyaan in aysan jirin xubno ka baxsaday ama dib isu abaabulaya.
Sidoo kale Wararku waxa ay intaas ku darayaan in hawlgalku uu weli socdo, iyadoo lagu howl-galayo sifeynta aagagga lagu tuhunsan yahay inay weli joogaan kooxda Daacish.
Dhanka kale Illaa hadda lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo weerarka dhulka ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag