dadka deegaanka Kursi ee degmada Wajeer, ayaa si weyn looga ammaanay qoys Soomaaliyeed oo muddo ku dhowaad laba sano daryeelay haramacad dhal ah, kadib markii ay si lama filaan ah uga heleen meel cidla ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS).

Qoyska oo ay hormuud u yihiin Bashiir Cabdi Xuseen iyo qoyskiisa ayaa sheegay in ay haramcadka yar heleen isagoo aad u tabar daran, halka hooyadiis oo bakhtiday ay agtiisa ku jiiftay. Bashiir oo la hadlayay BBC-da ayaa xusay in ay carruurtiisu markii hore arkeen xayawaanka, islamarkaana ay u waceen si uu u eego xaaladdiisa caafimaad.
“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa carruurtii yaryareyd ii sheegeen in ay arkeen bahal yar oo macluulsan, Markii aan u tagay waxaan arkay haramcad yar oo geedka salkiisa hoos galay, hooyadiisna wey ag taallay, Wuu liitay, markaas ayaan soo qaaday oo daryeel u sameeyay,” ayuu yiri Bashiir.
Qoyska ayaa haramcadka si kalgacal leh u korsaday, waxayna muddo dheer siiyeen daryeel, cunto iyo hoy, ka hor inta aysan ugu dambayn ku wareejin Hay’adda Duurjoogta ee Kenya (KWS).
Saraakiil ka tirsan KWS ayaa sheegay in ay ku sameeynayaan baaritaan caafimaad iyo qiimeyn lagu hubinayo caafimaadka iyo hab-dhaqanka xayawaanka, kahor inta aan la geyn xarunta duurjoogta ee lagu daryeelo.
Hay’adda KWS ayaa qoyska ku bogaadisay talaabadooda naxariisda iyo masuuliyadda leh ee ay ku badbaadiyeen xayawaanka, waxayna sheegeen in dhacdadan ay tusaale fiican u tahay sida bulshada deegaanku uga qayb qaadan karto ilaalinta duurjoogta dalka.
Dhacdadan ayaa dhalisay hadal heyn iyo bogaadin ballaaran oo ka timid bulshada deegaanka iyo baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen qoyskaasi “geesiyaal deegaanka u adeega.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag