Sida aya wararka sheegayaan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku kala qeybsan muddo kordhinta ay raadineysa Xukuumada Villa Soomaaliya.

Farriimo ay is dhaafsadeen Xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta iyo Xoghayntooda ayaa lagu gorfeeyay sida looga hortagayo damaca Madaxtooyada Somaliya .
Sidoo kale Dhinacyada Mucaaradka Samatabixinta ayaa weli isku raacin go’aankooda iyo sidii loo soo saari lahaa war midaysan.
Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay qabaan in laga hortago hawshaas oo si rasmi ah mawqif looga qaato, lana soo saaro warmurtiyeed.
Halka Xubno kale oo ay kamid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ay iyagana aaminsan in warkani uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sidaas darteedna ka hadalkeeda uu sharciyad iyo dhiirigelin siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba, ha ahaatee dhammaan xubnaha waxay isku waafaqeen in diidmo laga horkeeno qorshahan, waxaase lagu kala aragti duwan yahay sida loo wajahayo iyo goorta laga jawaabayo.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag