December 1, 2025

Wadamada Islaamka Oo Caawa Laga Eaadinayo Dhalashada Bisha Ramadaan

Wadamada Islaamka ayaa Caawa Maqribkii  isky diyaarinaya  raadinta bilashada  Bisha Barakeysan ee Ramadaan si haddii loo arko berri u noqoto maalin Soon haddii la waayana la dhammeystiro 30Ka Shacbaan.

Wasaaradaha Arrimaha Diinta ee Dalalka Islaamka ayaa diyaariyay guddi si gaar ah u xaqiijiyo hubinta iyo raadinta bisha Barakeysan ee Ramadaan si ay ugu dhawaaqaan berri in ay tahay Maalin Soon iyo in kale.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa diyaarisay qalab casri ah oo inta badan lagu raadiyo bilaha gaar ahaan Soonka iyo Soon-furka oo marka guddigaas uu helo lagu dhawaaqo ama xiliga la waayo lagu go’aan qaato.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay guddi culimo ah oo Warbaahinta Dowladda soo fadhiisan doonna Salaadda Maqrib kaddib si uu guddigaas u raadiyo Dadka arkay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*