October 26, 2025

Maamulka Somaliland Oo Ka Hadlay Culees Soo Wajahay Dadka Imaanaya Magaalada Hargeysa

Wararka ayaa sheegaya In  muddooyinkan dambe ay sii xoogeesanayeen cabashada ka imaaneysa Dadka Heysta Baasabarooda ajnabiga ah ee ka degaya Deegaannada Mamulka Somaliland, kuwaa oo lagu qasbay in ay bixiyaan labo lacag oo viso ah ay kala qaadanayaan dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada, ayaa lagu sheegay in ay heleen xogta culeesyada haysta dadka heysta baasaboorada ajaaniibta ah ee kasoo degaya garoomada diyaaradaha ee kuyaalla Somaliland.

Wasaaradda Duulista Hawada, ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyinkii loo baahnaa isla markaana diyaaradaha ka howlgalla Garoomada Maamulka  Somaliland si dhameestiran u raaci doonaan shuruucda duulimaadyada iyo socdaalka ee Somaliland.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*