October 27, 2025

Madaweyne Laftagareen oo la sheegay inuu diiday wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal in ay tagaan Baydhabo

Waxaa la sheegayaa in Khilaaf siyaasadeed uu soo ifbaxay kaasi oo u dhaxeeya Maamulka K/Galbeed Iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Maamulkaasi  Khilaafkaasi Oo  sababay in maanta la hor istaago wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank, oo kamid ahaa wafdigaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu amar ku bixiyey in diyaaraddii ay saarnaayeen aanay qaadin xubnaha wafdigaas.

“Laftagareen ayaa diyaaradii aan raaci lahayn ku yiri dadkaas ma soo qaadi kartaan,” ayuu yiri Xildhibaan Frank.

Wafdigaas ayaa ka koobnaa xildhibaano horey uga tirsanaa taageerayaasha Madaxweyne Laftagareen balse markii dambe kala shakiyey arrimo siyaasadeed. Xubnaha safarka ku wehliyay Maxamed Mursal waxaa ka mid ahaa:

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed

Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed

Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed

Xildhibaan Xaawo Sokor Cali

Xildhibaanadan ayaa horey loogu diiday inay deegaannadooda ku laabtaan, balse hadda waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay beri si rasmi ah ugu safraan Baydhabo, iyagoo aan weli helin oggolaansho dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*