Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Waxaana Codka loo qaaday sida tan waxaa ogolaaday 145 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa fariin adag u diray xildhibaannada iyo wasiirrada aan kasoo qaybgelin kulamada Golaha, isagoo yiri:
“Waxaa jiro wasiiro iyo xildhibaanno Muqdisho ku sugan oo aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, taasina ma aqbaleyno. Waajib baa idin saaran inaad ka qeyb gashaan shaqada qaranka.”
Guddoomiyaha ayaa ku Amaanay dhammaan xubnaha Golaha in ay muujiyaan xilkasnimo iyo mas’uuliyad qaran, si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejinta ee horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag