October 7, 2025

Alshabaab Oo laga saaray Degmada Bacadweeyne ee Maamulka Galmudug

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka  Galmudug,  Ciidamada  Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa saaka la wareegay degmada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug, kaddib weerar xooggan oo lagu qaaday degmadaas.

Kooxda Al Shabaab ee gacanta ku haayay degmada Bacadweeyne , ayaa iskaga baxay magaalada waxaana ciidamada ay wadaan howlgallo ammaanka lagu sugayo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sidoo kale Xaalada degmada Bacaadweyn ayaa degan xiligan inkastoo ay jirto xiisado iyo cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca, waxaana shacabka degaanku ay muujinayaan feejignaan.

Dhanka  kale Degmada Xarardheere ayaa iyana lagu soo waramay in saakay guluf kale uu ka socdo guud ahaan Galmudug iyo sidii  looga xoreynayo Al shabaab

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*