Daafaca bidix ee Kooxda Liverpool Milos Kerkez ayaa sheegay inuu si weyn u sugayo kulanka weyn ee Premier League ee axadda ka dhici doona Anfield, halkaas oo Liverpool ay ku wajaheyso Manchester United, iyadoo doonaysa inay joojiso silsilad saddex guuldarro oo xiriir ah.

Xiddiga reer Hungary ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ciyaartaas, isagoo yiri:
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay kulankan. Waa kulan weyn oo muhiim u ah naadiga — waa inaan guuleysanaa.”
Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabanaysa Anfield kadib markii ay guuldarrooyin kala kulantay Crystal Palace, Galatasaray, iyo Chelsea, dhammaantoodna ay ahaayeen kulamo ay marti ahayd. Kerkez ayaa aaminsan in taageerayaasha garoonka ay siin doonaan dhiirrigelin muhiim ah.
“Markaan ka ciyaarayo Anfield mar walba si gaar ah ayaan isu dareemaa — waxaan helaa tamar badan, mana dareemo daal badan sababo la xiriira xamaasadda taageerayaasha,” ayuu raaciyay.
Kerkez, oo horay guul ugu helay garoonka Anfield kulankii Merseyside derby, ayaa sheegay in kooxda ay si fiican u soo laabatay kadib fasaxii xulalka qaranka:
“Ciyaartoy badan ayaa si fiican ugu ciyaaray xulalkooda, waxaana dhammaanteen u diyaar garownay si adag.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag