Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku kulmay Aqalka Cad, iyaga oo ka wada hadlay taageerada militari ee Mareykanka iyo suurtogalnimada in Ukraine la siiyo gantaallaha ridada dheer ee Tomahawk ee awoodda u leh in ay gaaraan gudaha Ruushka.

Kulanka labada hoggaamiye ayaana dhacay maalin uun kadib markii uu Trump taleefoon kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, labada dhinacna ay ku heshiiyeen in ay kulan fool-ka-fool ah ku yeeshaan dalka Hungary.
Madaxweeyne Trump ayaa sheegay in wadahadalka telefoonka ee uu la yeeshey Madaxweeyne Putin uu ahaa mid “wax-soo saar leh, oo uu ka dhashay is fahan qotodheer”, isaga oo intaas ku darey in ergooyin sare oo ka socda Washington iyo Moscow ay kulmi doonaan toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan xiriirka ganacsi marka uu dagaalka Ukraine dhammaado.
Madaxweeyne Zelensky ayaa dhiniciisa sheegay in uu MadaxweeyneTrump kala hadlay arrinta gantaallada, balse aan go’aan rasmi ah lagu gaarin kulankaas, isagoo xusay in Mareykanku “uusan rabin inuu kordhiyo xiisadda dagaalka.”
Madaxweeyne Trump, ayaa sidoo kale sheegay in bixinta gantaallada ay noqon karto, xiisad hor leh, uuna rajeynayo in dagaalka lagu soo afjaro iyada oo aan la adeegsan gantaalaha ridada dheer ee Tomahawks. “Rajo ayaan ka qabaa inaanad u baahan doonin [gantaallada Tomahawk],” ayuu yiri, isagoo ku daray in Mareykanku laftiisu u baahan yahay hubkaas.
Kulankaas kadib, Madaxweeyne Trump ayaa baraha bulshada ku qoray farriin uu ku dalbanayo in Kyiv iyo Moscow ay “dagaalka ku joojiyaan halka ay maanta joogaan soona afjaraan”
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweeyne Zelensky ayaa sheegay in haddii gantaalladaas loo adeegsado saldhigyada tamarta iyo shidaalka Ruushka, ay si weyn u wiiqi karaan dhaqaalaha dagaalka ee Madaxweeyne Putin.
Madaxweeyne Zelensky ayaa ayaa intaas kadib la hadlay hoggaamiyeyaasha Yurub si uu ula wadaago natiijada kulanka, isagoo sheegay in mudnaantiisa ugu weyni ay tahay badbaadinta nolosha dadka, sugidda ammaanka Ukraine, iyo xoojinta Midowga Yurub.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay in wada hadalkaasi ahaa “mid mira dhal ah,” isla markaana balan qaaday in Britain ay sii wadi doonto taageerada Ukraine.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag