Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo safar ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa wadankaasi, Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD iyo dagaalka Alshabaab.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrinta maalgalinta howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee AUSSOM.
Wasiir Fiqi ayaa Talyaaniga uga mahadceliyay kaalinta uu ku lee yahay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka AS iyo tababarka ciidanka qalabka sida.
Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag