Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Jowhar ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare kala duwan geystay oo Shalay ka dhacay tuulada Mareereey oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga magaalada Jowhar.

Taliyaha ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Jowhar Dhame Cabdifataax Arwaax Aadan ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ciidamada amaanka ay kusoo qaadeen maleeshiyaad uu tilmaamay iney uga shakisan yahiin kooxda Al-shabaab.”Gaari Cabdi bille ah oo laga lahaa Saldhiga degmada Jowhar ayay koox maleeshiyaad ah wadada u galeen inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo ku guda jiray howl maalmeedkiisa, kooxda waxaa looga shakisan yahay iney gacan saar la leeyihiin Argagixisada” ayuu yiri Taliyaha Saldhiga degmada Jowhar Dhame Cabdifataax Arwaax Aadan
sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka mid ah maleeshiyaadka weerarka ku qaaday gaariga ciidanka, islamarkaana kuwa kale lagu sii raad joogo.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhashay dhimashada ilaa sadax ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan.
Hase ahaatee Wararku waxay ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid salka ku haayay is qabqabsi ka dhashay dhul beereed ku yaala deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali deegaanada u dhaxeeya Mahadaay iyo Jowhar laga dareemayo xiisada ka dhalatay is qabqabsiga dhul beereedka ku yaala deegaanka Mareereey iyo deegaanada ku dhadhaw, waxaana odayaal deegaankaasi ah oo warbaahinta la hadlay ay ku eedeeyeen weerarkaas masuuliyiin ka tirsan maamulja Hirshabeelle.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag