November 4, 2025

Dowlada Itoobiya oo si adag ugu jawaabtay Dalka Masar

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu qaadayo dhammaanba tallaabooyinka muhiimka ah si uu u ilaaliyo danihiisa qaran iyo amniga biyaha kadib dhismihii iyo furitaankii biyo-xireenka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkiisa “uusan iska eegan doonin” hannaanka maamulka “mas’uuliyad darrada ah” ee biyox-reenka, sida ay baahisay warbaahinta Ahram Online.

Farriin muuqaal ah oo uu soo duubay Toddobaadka Biyaha 8-aad oo ka dhacay Qaahira, ayuu al-Sisi ku sheegay “in kalsoonida ay Masar ku qabto diblomaasiyadda iyo saaxiibbada caalamiga ah sida Mareykanka aan loo qaadan daciifnimo.”

Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay iyadoo aan soo hada qaadin khudbadda Al Sisi in hab-dhaqanka aan habbooneyn ee Masar ee Itoobiya uu weli sii socdo.

Warka, ayaa lagu sheegay in “Masar ay wiiqeyso iskaashiga Itoobiya iyadoo xoogga saareysa siyaasadda khaldan ee ku wajahan aragtiyada xilligii gumeysiga.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*