
Wararka laga helayo deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhacdo naxdin leh ay ka dhacday habeenimadii xalay, kadib markii maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen hooyo iyo carruurteeda, halkaas oo ay ku dileen afar dumar ah oo isku qoys ahaa.

Dilka ayaa la xaqiijiyay inuu dhacay xilli ay hurdayeen hooyada iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, Wararka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in maleeshiyadu si arxan darro ah rasaas ugu fureen hooyada iyo gabdhaheeda, iyaga oo si gaar ah ugu dhuftay madaxa, taas oo sababtay dhimashadooda.
Sida ay dadka deegaanka sheegeen, falkaan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo hore u jiray, waxaana la rumeysan yahay in dilkan uu ahaa mid si gaar ah loo soo qorsheeyay, Waxaa intaas dheer, in maydadka dumar ka la dilay weli aan la aasin.
Marxuumad hooyada ah iyo saddexdeeda gabdhood ayaa la sheegay in aysan wax rag ah joogin guriga xilliga uu falka dhacayay, taasoo laga dhaxlay in maleeshiyada falka gaysatay ay si fudud u fuliyaan dilka.
Falka kadib, maleeshiyadii weerarka gaysatay ayaa la sheegay inay ka carareen deegaanka, mana cadda halka ay ku sugan yihiin, Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay weerarka, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ama maamulka gobolka Galgaduud.
Dadka deegaanka Xiindheere ayaa muujinaya cabsi iyo murugo ku saabsan dhacdadan, iyaga oo codsanaya in si degdeg ah cadaaladda loo helo, maydadkana loo oggolaado in si sharaf leh loo aaso, Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli deegaanka uu horey uga jiray xasillooni darro la xiriirta colaado qabiil, taas oo weli xal waara aan loo helin.
Si kastaba ha ahaatee Bulshada somaliyeed waxa dhibaato weeyn ku ah dagalada sokeeya aan dhamaadka laheeyn mana jira wax garad ama maamul xoogan oo wax ka qabta dhibaatooyinkaasi dhacaya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag