October 8, 2025

Af Somaliga Oo Halis Ku Jira Iyo M/weyne Xasan Oo Yiri Waa In La qoraa Afka Sawaxiliga

Geeska Afrika oo ah gobol ay ku badan yihiin dalalka ay dadkoodu ku hadlaan afafka kala duwan, Soomaaliya waxay kaga duwan tahay inay leedahay hal luuqad oo mideysa-Af-Soomaaliga.

Tilmaantan gaarka ah waxay qaranka ku xirtaa hiddaha suugaanta-hadalka ah, maansada, iyo dhaxalka guud, hase yeeshee, madaxdii loo igmaday inay dhawraan aqoonsiga qaran iyo afka oo xambaarsan dhaqanka iyo Sooyaalka ummadda ayaa si isa soo taraysa ugu tiirsan Afafka Carabiga iyo Sawaaxiliga marka ay la hadlayaan bulshada, taas oo halis gelinaysa mustaqbalka Af-Soomaaliga.

Marka Hoggaanku Hormuud u Noqdo Dayaca

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxay kashifayaan hab-dhaqan walaac leh oo ka dhex jira madaxda Soomaalida, mas’uuliyiinta sar sare waxay si is daba-joog ah ugu ololeynayaan in Afafka Carabiga iyo Sawaaxiliga loo adeegsado khudbadaha rasmiga ah, kuwa gobolka, iyo xitaa kuwa hal-abuurka.

Tani maaha doorbidid fudud; waa isbeddel hay’adeed oo muujinaya ka fogaansho lagu hayo udub-dhexaadkii afka ee qaranka oo ah af hodan oo Ummadda u ah keyd ay ku jiraan dhaqan, hidde, taariikh, iyo suugaan fac weyn.

Tusaalaha ugu awoodda badan waa khudbaddii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Isagoo ka hadlayay madal looga doodayay afka Carabiga, wuxuu meel iska dhigay iskaashiga dhaqan, wuxuuna soo bandhigay aragti ah in Af-Carabigu noqdo luuqadda horumarka Soomaaliya, isagoo yiri:

“Waxa kale oo aan rabnaa inaan xoojino kaalintiisa sidii luuqad loogu adeegsado cilmi-baarista, hal-abuurka iyo curinta, oo aysan u noqonin lugad ku kooban buugaagta oo keliya.”

Siyaasaddan waxaa sii xoojiyay shirweynihii Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Muqdisho. Halkaas, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu faray hay’adda tacliinta sare ee dalka:

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed… waa inay xoog badan geliso horumarinta luuqada Sawaaxiliga, oo ah luuqada Bariga Afrika.”

Tusaalaha ugu taabashada badan wuxuu ka yimid Wasiirka Waxbarashada laftiisa. Khudbaddiisii Af-Soomaaliga ahayd, Wasiir Faarax Sh. Cabdulqaadir wuxuu sheegay. inuu jeclaan lahaa inuu arko dad ka badan oo ku hadla Af-Sawaaxili shirkada xiga.

Mas’uul halkii uu dhawri hiddaha Soomaaliyeed lahaa, ka doodi lahaa kor u qaadista iyo hormarinta af kale, waxay muujinaysaa in af-soomaaligu uu wajahayo halis aan la dhayalsan karin.

Ololahan ku socda heerka sare wuxuu Af-Soomaaliga ka dhigayaa mid heerka labaad ah gudaha dalkiisa. Marka luuqadda waxbarashada iyo hal-abuurka si rasmi ah loogu magacaabo Sawaaxili ama Carabi, waxaa si dadban loo qeexayaa in Af-Soomaaligu aanu u qalmin ujeeddooyinkan casriga ah, taasina maaha arrin af keliya-waa qalalaase madax-bannaani qaran iyo dhaqan guur.

Si kastaba ha ahaatee arrintan waxay sii murginaya isbeddellada bulsho, oo ay ku jirto soo laabashada baaxadda leh ee qurba-joogta, in kasta oo soo noqoshadoodu ay muhiim u tahay dib-u-dhiska qaranka, haddana qoysas badan waxay la imaanayaan carruur ku hadasha afafkal Ingiriisiga ama kuwa kale ee Yurub, taas oo caadi ka dhigaysa adeegsiga afafka qalaad ee dugsiyada iyo nolol maalmeedka.

Afka Soomaaliga inkastoo fartiisa la qoray 50 sano ka hor haddana hadda looma adeegsado inta badan qoraallada rasmiga ah ee ka soo baxa xaafiisyada dowladda, manhajka waxbarashada, eray-bixinta teknoolojiyadda iyo ganacsiga, sidoo kalena ku hadalkiisa waxaa ku sii milmaya erayo dool ah oo meesha ka saaraya kuwo sal ah.

Xeeldheereyaasha afafka ayaa ka dhigaya in 10 sano oo soo socda ay meesha ka bixi doonaan boqolaal eray oo booskooda ay kuwo qalaad galayaan, taas oo horseedi doonta in jiilasha soo socda iyo kuwa haatan joogaahiba ay ka guuraan isticmaalka afka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*