
Wararka laga helayo Bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen rug ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen deegaanka Xuseen-Geele.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli habeenimo ah, isla markaana uu sababay iska hor imaad culus oo dhexmaray ciidamada booliska iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.
Sida ay wararka xaqiijiyee in maleeshiyaad ka careysan amar dhawaan kasoo baxay maamulka Galmudug, kaas oo lagu mamnuucay jarista dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka — arrin muddooyinkan danbe kicisay xiisado la xiriira ilaalinta deegaanka iyo dhaqaalaha ka dhasha dhuxusha.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday in ka badan saacad, waxaana ugu dambeyntii maleeshiyaadkii weerarka qaaday ay goobta ka qaateen saanad ciidan.
Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in xaaladda hadda ay degan tahay, balse ay socdaan baaritaano lagu raadraacayo kooxihii weerarka soo qaaday.
Maamulka Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka ayaa la filayaa inay maanta ka hadlaan arrintan, maadaama weerarka uu si toos ah ugu xiran yahay fulinta amarka mamnuucidda dhuxusha.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag