October 7, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo si Rasmi ah u Furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika

 Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si buuxda uga mid noqoto is-dhexgalka gobolka Bariga Afrika, isagoo hadalkan ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Iskaashiga Ganacsiga Bariga Afrika (East African Business Cooperation Forum) oo markiisii labaad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in yoolka ugu weyn ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) uu yahay is-dhexgal dhameystiran oo ka dhaca dhammaan dhinacyada nolosha, dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed, isagoo xusay in xubinnimada Soomaaliya ay fursado cusub u horseedeyso dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka.

“Dadka ajaanibta ah ee ka shaqeeya Soomaaliya maanta, intooda badan waxay ka yimaadeen dalalka Bariga Afrika, Tani waa caddeyn dhab ah oo muujinaysa sida gobolku isu xiray, waxayna iftiiminaysaa muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ee EAC,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda muuqda ee horumarinta dalka, isagoo tusaale u soo qaatay maalgelinta ay sameeyeen ganacsiyadooda gaarka ah ee ku wajahan waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay sii ballaariyaan fursadaha ganacsi iyo iskaashiga ay la yeelanayaan ganacsatada kale ee gobolka Bariga Afrika.

Shirweynaha Iskaashiga Ganacsiga Bariga Afrika oo hadda maraya kulankiisii labaad ee lagu qabto Muqdisho, ayaa isu keenay mas’uuliyiin ka socda dalalka xubnaha ka ah EAC, madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo hoggaamiyeyaal ganacsi oo heer gobol ah.

Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhaqaale ee xuduudaha ka gudba.

Booqashada iyo shirarka noocan ah ee Soomaaliya martigelinayso ayaa si cad u muujinaya kaalinta sii kordheysa ee dalka uu ka qaadanayo isku xirka gobolka, iyo fursadaha badan ee uu u hayo dhaqaalaha gobolka Bariga Afrika

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*