
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kaddib weerarkii dhimashada lahaa ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan kuwa ciidanka iyo booliska ku tabaruca, iyo sidoo kale bulshada caalamka, inay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wuxuu xusay in taageeradaas loo baahan yahay ay tahay in la tirtiro Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada kale ee Soomaaliya.”
Baaqan ayaa yimid kaddib weerar lagu qaaday xarunta baaritaanka ee Jilaacow, oo ah xabsi ammaankiisu sareeyo oo ku yaalla Muqdisho, 4-tii Oktoobar, kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu sababay dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Guddoomiye Youssouf ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna ku celiyay sida Midowga Afrika uga go’an nabadda gobolka, isagoo xusay in AUSSOM ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay ciidamada Soomaaliya si loo xasiliyo meelaha dhowaan laga xoreeyay gacanta dagaalyahanada.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag