October 7, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Muqdisho Soo gaaray Iyo Hoobiyaal ku soo dhacay meel u dhaw garoonka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo labo geesood ah ku yeelanayaan Madaxda labada dal.

Dhinaca kale Wararka ayaa sheegaya  inta aysan soo caga-dhigan diyaaradda siday Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxaa la maqlay hoobiyaal ku soo dhacay nawaaxiga garoonka, kaasoo laamaha amniga aysan wax war ah ka soo saarin.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyin badan ayaa la xiray, iyadoo duulimaadyada la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo qeybo ka mid ah kuwa dibadda, marka laga reebo diyaaradaha Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

    

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*