
Wararka ayaa sheegaya In Wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh uu goordhow ka soo ambabaxay Magaalada Kismaayo, iyadoo uu soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale Wada hadalada ayaa noqday mid lagu kala tagay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Hase ahaatee Xogaha labada dhinac ayaa sheegaya inuu jiro War murtiyeed uu dhinac walba soo saari doono , si looga ilaaliyo in wada hadaladu burbureen laguna muujiyo in wada hadalada sii soconayaan, inkastoo arrimahii badnaa aan la isku fahmin .
Dhanka kale wafdigii Kenya ka socday ayay u badan tahay inay gelinka hore ee saaka ka ambabaxaan Magaalada Kismaayo, Si kastaba ha ahaate Madaxda Somaliyeed ayaa ah kuwa aan isku tanaazulin balse mid kasta uu fiiriyo danahiisa marna ma fiiriiyaan danta dalka iyo dadka waa nasiib daro aad u weeyn,
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag