
Sida ay sheegayaan Wararka laga Helayo Kismayo Kulan xalay madaxtooyada Kismaayo ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madooe ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo mar kale saakay lagu wado in kulankii labaad ay yeeshaan labada dhinac.

Qodobka ugu weyn ee la isku qabtay ayaa ah, in madaxweyne Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Kismaayo, uuna kusoo laabto heshiiskii midaynayay doorashooyinka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qodobkaas, isagoo sheegay in aan laga wadahadli Karin arrimaha ku saabsan doorashadiisa, balse ay ka xaajoon doonaan arrimaha kale ee la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
Haddii saakay lagu guul daraysto wada xaajoodka, waxaa laga yabaa in madaxweyne Xasan Sheikh uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho, inkastoo dhinacyada shirka qeybta ka ah ay ku dadaalayaan in heshiis laga gaaro khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan madaxweyne u aqoonsanayn Axmed Madoobe. Warbixintii shalay kasoo baxday safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay Kismaayo laguma xusin magaca madaxweyne Axmed Madoobe iy guud ahaan maamulka Jubbaland
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag