
Xoagaha laga helay kaamiradaha CCTV ayaa muujinaya in gaariga ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka Godka Jilacow laba jeer lagu joojiyay albaabbada madaxtooyada, ka hor inta uusan ku dhaqaaqin xabsiga.

Sidoo kale Ilaalada madaxtooyada ayaa gaarigan hor istaagay, taas oo ka hortagtay weerar culus oo lagu qaadi lahaa xarunta madaxtooyada, xilli uu halkaasi ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya, oo Jimcihii sheegay in amniga Muqdisho uu gaaray heerkii ugu wanaagsanayd.
Dhanka kale Gaariga oo ahaa Cabdi Bile loo ekaysiiyay gaadiidka NISA, ayaa waxaa saarnaa sideed nin oo aad u hubeysnaa, isla markaana xirnaa dareeska ciidamada hay’adda NISA. Wararka la helay waxay sheegayaan in gaarigan uu si aan caqabad lahayn uga gudbay toddobo barkantarool oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo aan hal meel lagu baarin.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in gaarigan uu si fudud uga gudbay baraha amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameynin gaadiidka ciidamada qalabka sida.
Dowladda ayaa sheegtay in arrintani ay muujinayso baahida degdegga ah ee loo qabo in la xakameeyo isticmaalka gaadiidka lagu rinjiyeeyo midabka ciidamada gudaha Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada dowladda ayaa xalay saqdii dhexe ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgalka Godka Jilacow, iyagoo sheegay in dhammaan raggii gudaha u galay xabsiga la dilay. Hase yeeshee, dowladda weli kama aysan hadlin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka iyo xaaladda maxaabiista ku xirnayd gudaha xabsiga.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag