October 7, 2025

Maxaa Ka Jira In Imaaraatka Uu Saldhigyo Qarsoodi ah Ka Furtay Xeebaha Badweeynta Hindiya?

Sida ay sheegayaan Xogaha Ciidan ee laga Helayo Saldhigyada Imaaraatka Ku leeyahay Badweeynta Indida Laga soo bilaabo jasiiradaha Socotra ee Badweynta Hindiya ilaa xeebaha Soomaaliya iyo Yemen, sawirro dayax-gacmeedyo qaadeen ayaa sida Middle East Eye warisay muujinaya saldhigyo ciidan oo dhawr ah oo uu Imaaraadka Carabta (UAE) ka furtay agagaarka Gacanka Cadmeed.

Saldhigyadan oo ku wareegsan mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka ayay tiradoodu sii kordhaysay tan iyo weerarradii Xamaas ku qaaday Israa’iil ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023 ee horseeday dagaalka ka socda Qasa, waxaana xoogaystay iskaashiga millateri ee Imaaraataka, Maraykanka iyo Israa’iil.

Saraakiil Israa’iiliyiin ah ayaa si toos ah uga hawlgala jasiiradahaas, iyada oo Israa’iil ay Imaaraatka siisay nidaamyada radar-ka iyo qalab kale oo milatari si uu u kormeero awood uu ku kormeero uguna hortago weerarrada ay fuliyaan kooxaha Xuutiyiinta.

Imaaraadka iyo Israa’iil waxay leeyihiin madal isdhaafsi sirdoon oo loo yaqaan Crystal Ball, taas oo labada dhinac ay ku “naqshadeeyaan, hirgeliyaan, kuna suurtageliyaan hawlgalada  sirdoonka ee gobolka,” sida lagu sheegay dukumeenti dhiirrigelinaya heshiiskaas, oo la baahiyay.

Diblomaasi reer Israa’iil ah oo la yiraahdo Alon Pinkas, ayaa yiri: “Xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Israa’iil aad buu u horumarsanaa xitaa ka hor intaan si rasmi ah loo kala saxeexan xiiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal dhex maray, laakiin si hoose ayay u socdeen hawluhu.”

Saldhigyadan ciidan lagama dhisin dhul si rasmi  u hoos taga Imaaraadka, balse waxa lagu sameeyay dhulal ay gacanta ku hayaan xulafadiisa, oo ay ku jiraan Golaha Koonfureed ee Ku-meel-gaadhka ah ee Yemen (STC) oo uu hoggaamiyo Taliye Tareq Saleh, sidoo kale Middle East Eye ayaa sheegtay in saldhigyo uu ku leeyahay Maamulada Somaliland iyo maamulka Puntland, oo xiriir dhaw la leh Imaaraatka.

Saldhigyo ciidan, garoomo diyaaradeed iyo kaabayaal kale oo ciidan ayaa sidoo kale laga dhisay Abd al-Kuri iyo Samhah oo ah laba jasiiradood oo ka tirsan jasiiradaha Socotra oo uu hadda maamulo STC – sidoo kale jasiiradaha Mocha iyo Mayun, oo ku yaalla marin biyoodka Bab al-Mandab, ayaa laga hirgaliyay goobo ciidan. 

Si kastaba ha ahaatee dhagarta ay maleeygayaan Imaaraatka waa gacan ku siiyada Waddamada Reer galbeedka Hase ahaatee mar ayay ku xumaan doontaa Mustaqbalka Hadii uu ale idmo 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*