
Wararka ayaa sheegaya in maanta wafdi horudhac u ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan oo ka kooban saraakiil amni iyo xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u gogol xaari doona soo dhoweynta Madaxweynaha iyo kulamo heer sare ah oo lagu wado in halkaasi ka dhacaan.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay kulankooda ku soo qaadi doonaan arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe xiisad ka dhalisay xiriirka labada dhinac.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay dib uga laabato qaar ka mid ah go’aamadii hore ee ay ka qaadatay Jubbaland, si loo abuuro jawi wadatashi iyo xasilooni siyaasadeed.
Kulankan la filayo in uu dhaco maalmaha soo socda ayaa si weyn looga dhursugayaa, maadaama uu noqon karo mid furaha u ah dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta wadashaqeynta dowladda iyo Jubbaland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag