October 7, 2025

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay dhacdadii Saldhiga Warta Nabada & arrinta dhulalka

Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud oo maanta ka hadlay dhacdadii ka dhacday saldhigga Wardhiigleey ayaa sheegay in ay khalad ahayd in madax dalka Soo xukuntay ay weerar ku qaadaan saldhigaas xili  uu ka hadlayey masjidka madaxtooyada salaadii Jimcaha ka dib.

Waxaa uu ku amaanay ciidamada booliiska ee halkaasi joogay qaabkii ay ula dhaqmeen madaxdii halkaas tagatay, isaga oo ka digay in Magaalada Muqdisho oo amaan ah lagu wato baabuurta qoryaha waa wayn saaran yihiin sida dhashiikaha.

“Aniga oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda ah ma qaato baabuur uu saaran yahay qori dhashiike ah, waayo uma baahni oo amniga magaaladu aad ayuu u fiican yahay, sidaas darteed cid laga aqbalayo in ay baabuur dhashiike ah ku wadato Muqdisho ma jiri karto” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxwayne Xassan Shiikh oo ka hadlayay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aanay gorgortan ka gali doonin amniga Muqdisho oo uu timaamay in naf iyo maal ay ku baxday.

Madaxwayne Xassan Shiikh oo ka hadlayay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aanay gorgortan ka gali doonin amniga Muqdisho oo uu timaamay in naf iyo maal ay ku baxday.

Madaxwaynaha ayaa markii ugu horaysay soo hadal qaaday arrimaha dhulka, waxaana uu sheegay in dawladda hoose ay u xilsaaran tahay arrimaha dhulka, sida ka jirta gobolada kale ee dalka oo dhulalakii ay dawladdu la hayd loo iibsaday.

“Magaalada Muqdisho obasiibo ma sii ahaan doonto, waana la nidaaminayaa, cidii dacwo qabta maxkamadaha dalka ha aado, ayuu intaas ku daray Madaxwaynaha.

Inkasta oo uu san khudbadiisa ku soo hadal qaadin arrimihii laga filayay ee ahaa kulanka uu Kismaayo u aadayo, haddana Siyaasiyiinta ku shiraysa Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in aanay haynin aragti lagala gorgortami karo, balse ma doonayno in aan ra’yigooda ku caburino ayuu intaas ku daray.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*