
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaas oo ay yeesheen madaxda Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku tilmaamay go’aannadii ka soo baxay shirkaas kuwa loogu adeegayo danaha shisheeye, islamarkaana ka fog maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed.
“Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha dalka, ma ahan dal shisheeye haddii aan dano ajnabi loo adeegayn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu intaas ku daray in aan la aqbali karin in tiro madax ah oo uu sheegay in ay kasoo horjeedaan hana-qaadka dowladnimada Soomaaliya ay ka arimiyaan aayaha qaranka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay weerarkii lagu qaaday saldhiga Booliska ee Wardhiigley, isagoo sheegay in laga filan karin mustaqbal u adeegaya dalka kuwa weerarradaas ku lugta lahaa ama taageeray.
Shirkii Nairobi ayaa waxa kasoo baxay go’aan lagu dhisayo gole cusub oo loogu magac-daray “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya”, kaas oo ay madaxda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixintu sheegeen in uu noqon doono madal ay uga arrinsanayaan xaaladda kala guurka ah ee dalka.
Sidoo kale, waxay sheegeen in shir kale lagu qaban doono gudaha Soomaaliya, si loo dhameystiro dhismaha golahaas iyo go’aanada la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka.
Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Federaalka ayaa muujinaya kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, taas oo si weyn u muujinaysa in khilaafka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka uu sii murugsan yahay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag