October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Wadahadal iyo is-afgarad ayaan Ku Xalin doonaa khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo Jubbaland”

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadii uu maanta ka hor jeediyay Baarlamaanka Federaalka ku sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyadoo loo marayo wadahadal, is-qancin iyo xal waara oo ku saleysan mas’uuliyad qaran.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada maamul (Puntland iyo Jubbaland) ay ka fogaadeen Golaha Wadatashiga Qaran, hase yeeshee ay dowladda dhexe wado dadaallo miro dhal leh oo lagu doonayo dib u soo celinta kalsoonida iyo wada shaqeynta, si looga shaqeeyo midnimo qaran iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabtay Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo intaas ku daray in xilka uu hayo iyo doorka odaynimo ee laga rabo hoggaanka qaranku ay u diidayaan in la iska indho tiro cabashooyinka ama tabashooyinka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay in dowladda aysan dooran dagaal siyaasadeed, balse ay u taagan tahay xal u helidda khilaafaadka si masuuliyadi ku jirto, isagoo yiri: “Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa.”

Sidoo kale Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xalka uu ku jiro wadahadal, is-qancin iyo is-afgarad, taasoo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan warar si xoog leh isku soo taraya oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan u safri doono magaalada Kismaayo si uu ula kulmo madaxda Jubaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale waxaa Magaalada Nairobi kulamo qaas ah uga socdaa Madaxda Jubaland iyo Puntland oo iyaguna si gaar ah uga arinsanaya siyaasadda ay ku wajihi lahaayeen hadii ay Dowladda Federaalka kasoo dabacdo go’aanadeedi hore.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*