
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah kula yeeshay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, dhigiisa dalka Masar, Janaraal Cabdel Majiid Saqr, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xasilinayo gobolka, si gaar ah Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga ee Masar ayaa xaqiijiyey diyaar-garowga dowladdiisa ee ku aaddan sii xoojinta xiriirka milatari ee labada dal, Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Masar ee qaybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) la filayo inay si rasmi ah ugu soo biiraan howlgalka islamarkaana ay dhawaan tagayaan gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku doonayaan inay ku dhisaan iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah oo waara.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag