October 7, 2025

Safiirka Soomaaliya iyo Madaxda DRC oo yeeshay wada hadalo ku saabsan sii deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Lubumbashi

Dowladaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa wadahadallo ka bilaabay sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haatan ku xiran magaalada Lubumbashi ee dalka Congo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil rasmi ah.

Wadahadalladan ayaa dhexmaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyan Ali Xasan, iyo Safiirka DRC ee Tanzania, Jean Pierre Massala, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Lubumbashi, iyadoo Safiirka DRC uu ballanqaaday dadaal lagu xoojinayo sii deyntooda.

 labada safiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa iskaashiga siyaasadeed, amni, iyo ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, Labada dhinac ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay inay horumariyaan xiriirka labada dal iyo inay ilaaliyaan danaha muwaadiniintooda.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa caan ku ah inay ganacsi ka sameystaan dalal kala duwan oo Afrika ah, oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, halkaas oo qaar kamid ah ay la kulmeen dhibaatooyin sharci oo sababay in la xiro.

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa marar badan ku baaqay ilaalinta xuquuqda muwaadiniintooda ee dibadda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo helo cadaalad iyo nidaam sharci oo sax ah.

Natiijada wadahadalladan ayaa la filayaa inay fursad u tahay in la xoojiyo iskaashiga labada dowladood iyo in la helo dadaallo cusub oo lagu ilaalinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool bartamaha Afrika.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*