
Waxaa si rasmi ah uga furmi doona garoonka Ciyaaraha magaalada Muqdisho tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ugu horeeya ee tartanka Kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir waxaa galabta lagu daah furaya degmooyinka kala ah Kaaraan iyo Dharkaynley.
Kulanka galabta waxaa ka qaybgali doona masuuliyiin katirsan dowladda iyo bahda ciyaaraha, kuwaas oo halkaas ka jeedinaya khudbado la xariira horumarka ciyaaraha.
Kaaraan iyo Dharkaynlay ayaa isku qaanad ku jira oo Guruub A, waxaana marka la daahfuro kulankaan galabta kadib si toos ah maalin walba loo dheeli doonaa kulamada kale ee is aragga ah ilaa laga gaaro dhamaadka guud ahaan tartankaan.
Taageerayaasha Kooxaha degmooyinka ee gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay inay ilaaliyaan nidaamka islamarkaana ka fogaadaan wax walba oo dhibaato ku noqon kara in ciyaaruhu u qabsoomaan si habsami leh.
Dowladda Fedaraalka ayaa diyaarisay ciidamo Booliis ah oo si gaar ah loogu tala galay ka hortagga rabshadaha ay mararka qaar sameeyaan qaar ka mid ah taageerayaasha u daawasho taga garoonka.
Daahfurka Kulanka ugu horeya ee tartanka Kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta ay tahay maalin Jimco ah oo ay fasax yihiin goobaha Waxbarashada, waxaana la filaya in garoonka u daawasho tagi doonaan taageerayaal aad u badan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag