October 7, 2025

Taliye Asad Diyaano Oo Caawa Raaligaliyay Aabihii iyo Hooyadii maanta la jirdilay

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano),  ayaa caawa la kulmay Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo maanta si arxandarro ah oo dadka dhan ka xumaadeen u jir dileen ciidao katirsan booliiska Soomaaliya.

Aabaha iyo Hooyada Soomaaliyeed ee sida foosha xun maanta ciidamada u jirdileen ,ayuu taliyuhu ka raaligeliyey dhacdada xad gudubka ah ee loo geystay, waxaana uu ku macneeyey falka dhacay mid ka baxsan anshaxa iyo sharciga ciidanka booliiska.

Taliye Asad Diyaano,  ayaa sheegay in ay ka goán tahay Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtanka cid kasta oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee jebisa sharciga ama ku xadgudubta masuuliyadda loo dhiibay .

Falka ay maanta ku kaceen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, ayaa noqday mid si weyn u gilgilay quluubta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna falkaasi sababay in galabta dagaal ka dhaco suuqa Siinay iyo saldhigga Wardhiigley, taa oo dhalisay khasaaro nafeed.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*