October 7, 2025

Wasiir Fiqi: “Kooxo Mucaarad ah oo u Dhaqmaya Sida Argagixisada Waa in Maxkamad la Hor Keenaa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerar ay kooxo mucaarad ah ku qaadeen saldhig Booliis.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo muujinaya in kooxahaasi ay si ula kac ah u beegsanayaan ciidamada qaranka, burburiyaan gaadiidka ciidanka, isla markaana dil iyo dhaawac u geystaan saraakiisha iyo askarta booliska.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxaha weerarka fuliyay ay yihiin “mukharibiin” la mid ah argagixisada, sidaas darteedna lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo horkeeno maxkamad, halkaas oo cadaaladda lagu marsiiyo.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in hay’adaha cadaaladda ay gutaan waajibaadkooda si loo ilaaliyo amniga iyo sharciga dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*