October 7, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Jubbaland

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhowaan la bilaabi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee ka dhici doona deegaanada Jubbaland.

R/Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay haatan ku howlan yihiin hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha si loogu gudbo marxaladda doorashooyinka dowladaha hoose.

R/Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu carrabka ku adkeeyay in diiwaangelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay codkooda u dhiibtaan.

“Maamulka Jubbaland waxay dhowaan ka bilaabmi doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha si shacabka gobolkaasi u helaan xuquuqdooda codbixineed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay qabato doorashooyin hal qof iyo hal cod ah bisha Oktoobar ee sanadkan 2025, si loo dhiso hay’adaha dowladaha hoose loona xoojiyo dimuqraadiyadda dalka.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Jubbaland ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo muhiim u ah kor u qaadista ka qeybgalka siyaasadeed ee shacabka, isla markaana lagu dhisayo nidaam doorasho oo hufan oo loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland loo siiyo fursad ay codkooda ku dhiibtaan, taasoo ka tarjumeysa dadaalka lagu dhisayo dowladnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta doorashooyinka hal qof iyo hal cod inay yihiin dariiq muhiim ah oo lagu gaari karo dowlad-wanaag, isla markaana lagu horumarin karo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*