October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Yiri” Waan xalin doonaa khilaafka Naga dhaxeeya maamulka Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraysi gaar ah siiyay TV-ga Al-Arabiya, isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in dowladdiisa iyo maamulka Jubbaland ay gaaraan heshiis siyaasadeed ka hor inta aan dalka loo dareerin doorashooyinka soo socda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada-hadalada socda ay yihiin kuwo muhiim u ah xoojinta midnimada iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in is-afgarad lala gaaro Jubbaland uu kaalin muuqata ku yeelan doono hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan rajeynayaa in wada-hadalka Jubbaland lagu dhammaystiro heshiis horseeda kalsooni, midnimo iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qaataan,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Waraysigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu isku diyaarinayo doorashooyin muhiim ah, halka dhinacyada siyaasadeedna looga baahan yahay inay muujiyaan tanaasul iyo heshiis siyaasadeed oo lagu ilaaliyo xasilloonida dalka.

Sanadkii hore  khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa gaaray heerkii ugu adkaa, taas oo sababtay iska horimaadyo hubaysan iyo xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Dhanka kale Deegaanka Raaskabooni ee gobolka Jubbada Hoose, Iyo deegaanada luuq iyo beled xaawe ee g/gedo halkaas oo uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*