
Sida aan Xogta ku helnay waxaa jiro wasaarado aan shaqeeyn shaqadii loo magacaabay ay ka jirto baahi weeyn dhanka wax qabadka iyo shaqa abuurka hadi wasaaradahaasi la howl gelin lahaa waxaa shaqooyin badan ka heli lahaa dhalinyaro somaliyeed kuwa xirfad leh iyo kuwa aan xirfada laheen

Wasaaradaha aan shaqeeyn ee Magac uyaal ah Yaa Ka mid ah Wasaaradahaasi ? :
1:Wasaarada Kaluumeeysiga Somaliyeed Ma shaqeeyso waa magac u yaal Shaqada lagu magacaabay waxa ay aheeyd in ay horumariso wax soo saarka kaluunka iyo in ay gacan qabato kaluumeeysatada yar yar Hase ahaatee Ma jirto.
A: Ma lahan xarumo ay ku keeydsadaan kaluunka dhalinyarada ka soo kaluumeeysata xeebaha somaliya Malahan Dekado yar yar oo ay ku soo xirtaa doomaha Kaluumeeysiga Hadii loo sameeyn lahaa Goobo ay ku keeydsadaan kaluunka kadibna loogu raadin lahaa Suuq waxaa laga heli lahaa Fursado Dahabi ah nasiib xumo waa wasaarad dhimatay:
2: Wasaarada Warshadaha waa magac u yaal ma shaqeeyso Hadii ay Ganacsatada Waaweeyn Iyo Kuwa yar yar Ku dhiiri gelin laheeyd in ay warshado yar yar ama kuwa kale abuuraan waxa ay ahaan laheeyd Fursado dahabi ah laakin waa zero wasaarad dhimatay.
3: Wasaarada Caafimaadka Somaliya Waa wasaarad Magac u yaal ah Oo aan shaqeeyn Hadii ay Magaalo kasto ay ka hir gelin alaahyeen Isbitaalo hoos yimaada Wasaarada Caafimaadka Somaliya Waxa shaqo fiican ka heli lahaa dhalinyarada Baratay Caafimaadka ,
A: Malahan isbitaalo waaweeyn ay dhiseen ama ay Horumarisay wasaarada Caafimaadka Dhamaan Cisbitaalada Ku Yaal Gudaha dalka Waxaa iska leh Ganacsato Mana jirto isla xisaabtan dhanka Ganacsatda iska leh Goobaha Caafimaadka Mararka qaar waxaa dhaco shilal aad u xoog badan oo loo geeysanayo Bukaanka Somaliyeed.
B: Wasaarada Caafimaadka Ma lahan Sheeybaaro ama Koox ka hortagto daawooyinka xun xun ee dalka la soo geliyo Hadii ay sameeyn lahaayeen Sheeybaarkii Guud ee qaranka waxaa laga heli lahaa shaqo fiican waxaana u soo shaqa tagi lahaa dhalinyaro somaliyeed. waa wasaarad dhimatay ZERO Mana Yaqaanaan Sida Shaqo loo abuuro Kaliya waa i magacaaw-
Wasaarada Shaqeeya . balse wax ka dhiman yihiin….
1:Wasaarada Gaashaandhiga waa wasaarada shaqeeysa dhanka Ciidanka inkastoo aysan aheeyn sidii la rabay balse waa bilaaw shaqo wanaagsan:
Maxaa ka dhiman in ay qabato
A: Waa in aburaan Xafiis Kulmiyo dhamaan Saraakiishii hore ugu soo shaqeeyay Ciidanka Xooga waxaa suurta gal ah in laga helo Xogo wanaagsan oo horumarin kara Ciidanka waxaana ay kalsooni u tahay Dhalinta Maanta ee Ciidanka Xooga Somaliyeed:
2:Waa in wasaarada ay yeelato warshado yar yar sida kuwa dharka soo saara Ciidanka ,warashado soo saara qalabka xafiisyada warshadoo soo saara saabuunta Ay isticmaali lahaayeen Ciidanka Ugu yaraan warshad soo saari nkarta baahiyaha yar yar ee ciidanka Xooga Dalka waa shaqo abuur iyo dhaqaalo abuur…..
Wasaadarad arrimaha Diinta waa shaqeeysay waa No1 laakin ma dhameeystirno
A: WASAARADA ARRIMAHA DIINTA WAXAA KA DHIMAN IN AY HOWLGELISO HEYADAHA ANSHAXA IYO KA HORTAGA XUMAANTA
2:WAA IN AY DHAMEYSTIRTAA HADAFKII AHAA MUFTIGA QARANKA SOMALIYEED MUHIIM MA AHAN IN LAKA FAKIR DUWAN YAHAY BALSE WAXAA MUHIIM AH IN UMADA SOMALIYEED LOO ILAALIYO DHAQANKEEDA IYO DIINTEEDA ISLAAMKA
3:WAA IN AY WASAARADA ARRIMAHA DIINTA SAMEEYSAA KOOX CULIMO AH IYO AQOONYAHANO U SOO BANDHIGA WANAAGA DIINTA IYO WADANIYADA WAXA AY HEEYSAA SHAQO WANAAGSAN LAAKIN MA DHAMEEYSTIRNO…
LA SOCO WASARADAHA KALE WAA TAXANE ……….. Q1AAD
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag