October 7, 2025

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo Lagu Wareejiyay Deeq ka Timid dalka-……

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta dowladda India kala wareegay 10 tan oo iskugu jira daawooyin kala duwan.

Munaasabaddan oo ka dhacday Dekedda Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, iyo Maareeye ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji Maxamed Warsame.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa uga mahadceliyay dowladda India deeqdan daawada ah, isagoo xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.

 

    

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*