October 7, 2025

Madaxweyne Firdhiye oo si adag uga hadlay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim

Maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo dhawaan duqeyn diyaaradeed lagula beegsaday meel u dhaw degmada Ceelbuuh ee gobolka Sanaag.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ilaa hada aysan garaneynin cida sida rasmiga ah u fulisay dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim.

“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanyn haybtooda waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasiloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari.

Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney qaadato doorkeeda ku aadan masuuliyadda ilaalinta hawada iyo difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilka Nabadoonka, si caddaalad loogu helo.

13-kii bishaan Sebteembar ee 2025 ayay aheyd markii lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuuh ee gobolka Sanaag Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa odayaasha sida weyn caanka uga ahaa ee gobolka deegaanada Waqooyi Bari.

Ugu dambeyntii maamulka Waqooyi Bari ayaa carabka ku adkeeyay in dhulkeeda iyo hawadeeda aan laga aqbali karin wax walba oo dhaawacaya karaamada shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay dhulkeeda mid lama taabtaan ah.

Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari oo dhameystiran:-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*