
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congreska dalka Mareykanka, ayaa ka hadashay falkii dilka ahaa ee dhawaan gudaha Mareykanka loogu geestay Charlie Kirk oo ahaa nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Donald Trump.

Xildhibaan Ilhaan , ayaa si cad u sheegtay in aan marnaba la aqbali karin rabshadaha siyaasadeed ee ka dhacaya Mareykanka, waxa ayna xustay in aysan aqbali karin falalka bilaa caqliga ah in ay ka dhacaan gudaha dalka mareeykanka .
“Rabshadaha siyaasadeed gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo aan la difaaci karin. Falalka bilaa caqliga ah lama oggolaan karo in ay ka dhacaan dalkeenna.” ayey ku sheegtay qoraal ay baahisay xildhibaannad Ilhan Cumar.
Charlie Kirk, oo ahaa nin mayal adag aadna u necbaa dadka ajaaniibta ah, ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday Ilhan Cumar, waxa uu sidoo kale si weyn uga soo horjeeday Soomaalida kusii badaneysa dalka Mareykanka oo ay qaxooti ahaan ku tageen.
“Ilhaan Cumar si cad ayay u qirataa in ay u dagaallamayso danaha Soomaaliya, ee aysan u adeegayn Maraykanka, waddan ay ku eedaysay in ay ka buuxdo cunsuriyad dadka cad ah. Khiyaano ballaaran oo heer goboleed ah ayaa ka timaada Soomaalida.” ayuu horey u yiri Charlie Kirk.
Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka, ayaa marar badan weeraro kala kulantay siyaasiyiinta kale ee katirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kooxaha kale ee xagjirka, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadeeda iyo asal ahaan halka ay ka timid ee Soomaaliya ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag