
Sida aan xogta ku heleeyno waxaa dhawaan la filayaa in ay dalka soo gaaraan ciidamo ka socdo dalka masar ayagoo ka mid naqanayo ciidamadii laga bedelay Howlgalka ATMIS .

Xogta ayaa sheegeeyso in ciidanka masar la geeyn doono Maamulada Hirshabelle Iyo Jubbaland. Hase ahaatee waxaa jiray xurguf u dhaxeeysa dowladaha masar iyo itoobiya.
Dowlada itoobiya ayaa soo jeedisay in ciidanka masaarida aan la keenin gobolada somaliya ee dhinaca xadka somaliya iyo itobiya. Balse wali jawaab laga ma helin dhanka dowlada somaliya, haa ama maya,
Maxaa ku soo beegay waqtigaan in ay alshabaab qabsadaan deegaano badan?
Sida la sheegayo alshabaab ayaa maalmahaan waday dagaalo culus ayagoo ku qabsaday deegaano badan waxaana uu yahay ujeedkooda laba arrin
1:in ay ka faaideeystaan Bisha ramadaan maadama laga galayo bil ramadaan ciidanka somaliyeed aysan awoodin in ay dagaalka sii wadaan inta lagu jiro bisha ramadaan ayagoo halkaasi ka arkay fursad alshabaab.
2:alshabaab ayaa doonaya in ay sii adkeeystaan dhulka ay qabsadeen inta lagu jiro bisha ramadaan ayagoo la macaamilaya shacabka deegaanka iyo odoyaalka dhaqanka si ay dhaqaalo ZAKAWAAT AH UGA QAATAAN maadaama dhowr sano laga xanibay in ay shacabka ka qaadaan ZAKAWAAT.
3:Sidoo kale Alshabaab waxa ay fursad kale ka arkeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowlada federalka somaliya iyo maamulada dalka sida jubbaland iyo Puntland Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ku soo biiraan maamulo kale oo diidan qorshaha madaxweeyne Xasan Shiikh ee dorasho qof iyo cod. aan lagu hishiin.
MAXAA KEENAY IN DOWLADA FEDERALKA SOMALIYA AY WAQTIGAAN LUMISO DEEGAANO BADAN?
Dowlada Madaxweeyne xasan sheekh Ayaa waqtiga xoogan gelisay Doorasho qof iyo cod maadama la marayo waqti gabagabo ah fursad uma hayaan dagaalka ka dhanka ah alshabaab. Waxaana ay ku mashquulsan yihiin Cadaadinta Siyaasiyiinta ka aragti duwan Iyo sidoo loo dhici lahaa hantida dalka iyo dadka somaliyeed inkastoo aan hadda soo aragnay shacab badan oo guryahii dowlada laga Burburiyay ayagoo la siinayo Ganacsato waana nasiib daro aad u weeyn.
Ugu danbeeyntii Madaxweeynaha somaliya Xasan sheekh ayaa ah Madaxweeyne aad u safar badan Bishii uu safraa 4 jeer ama 6 jeer wax war ah uma hayo Arrimaha Guddaha Iyo waxa ka socda Taasi ayaa la dhihi karaa waxa ay fursad siisay alshabaab in ay qabsadaan deegaano badan oo ka tirsan G/SH/DHEXE.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag