October 7, 2025

Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Deegaanka ayaa Howlgalo Ka sameeyay Duleedka Ceeldheere Iyo meeydad….

Sida ay  sheegayaan wararka laga helaayo degmada ceeldheer ee G/galgaduud waxa socda uruurinta meydadkii maleeshiyaadkii Al-shabaab ee shalay weerarka gaadmada ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo in magaalada laga sifeeyo khatar kasta oo ka hartay weerarkii shalay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa saaka sameynaya baaritaanno iyo dhaqaaq ciidan oo lagu raadraacayo xubnihii Al-Shabaab ee ka badbaaday dagaalka, kuwaas oo la sheegay in dhabbaha miyiga u carareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu socdo baacsiga lagu hayo kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana aysan dhamaan doonin ilaa laga ciribtiro dhamaan khataraha ku harsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa saaka loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalka Xoogga Dalka ee caasimadda, halkaas oo xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*