October 7, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Degmada Ceeldheer

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Karaiye, ayaa lagu bogaadiyay guushii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka saakay ka gaareen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceeldheer.

Qoorqoor, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay Qoorqoor in kooxda Al Shabaab cashir loo dhigay ciidanka xooggana muujiyeen geesinnimo.

Madaxweynaha Galmudug, ayaana tacsi u diray ciidankii kala duwanaa ee ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay degmada Ceeldheer, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeejayay ciidanka kale ee dhaawacyada kala duwan kasoo gaaray dagaalka.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*