October 7, 2025

Taliska NISA oo shaacisay in duqeyn lagu dilay Horjoogahii Ka Dambeeyay Qaraxii Lagu Weeraray M/ Xasan Sheekh

Warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysanaa oo Shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. 

Horjoogahan la dilay ayaa la tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii lagu weeraray madaxweynaha Xasan Sheekh bishii Marso ee sanadkan 2025 ee ka dhacay Isgoyska Ceel gaabta ee magaalada Muqdisho.

Horjoogahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo loo yaqiinay magacyo afgarasho dhowr ah oo kala ah Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macalin Siciid, Timojilac iyo Maxamed Sahal.

NISA ayaa sheegtay in Horjoogahaan lku dishay duqeyn ay la beegsatay gaari uu saarna oo maraayay deegaanka Ugunji oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA kasoo baxay oo dhameystiran:-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*