October 7, 2025

Madaxweeyne Laftagareen oo Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomiyey shirka Golaha Amniga ee Koonfur-galbeed, kaas oo looga dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira xaqiijinta ammaanka gobolka iyo adkaynta sharciga ciidamada qalabka sida.

 

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Liibaan Cali Yarow, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed, saraakiil ka socday hay’adaha ammaanka ee qeybaha kala duwan sida booliska, Nabad Sugidda iyo qeybta 60-aad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxda ayaa ka wada hadlay xaaladda ammaanka ee guud ahaan Koonfur-galbeed, iyagoo ka warbixiyay caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu wajahayo si loo xoojiyo nabadgelyada bulshada. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo hubin lahaa in ciidamada ammaanka ay si buuxda u hogaansamaan sharciga iyo xeerarka dalka, iyadoo la adkeynayo anshaxa, tababarka, iyo isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Liibaan Cali Yarow, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu dhaqo nidaam sharci oo adag si loo hubiyo in howlgallada ammaanku ay waafaqsan yihiin sharciga iyo xuquuqda aadanaha, islamarkaana ay la dagaallamaan falalka musuqmaasuqa iyo tacaddiyada.

Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed ayaa isna sheegay in dowladda gobolka ay xooga saarayaan in la adkeeyo wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, isla markaana la helo hab maamul oo hufan oo ka hortaga khataraha amni ee soo food saara gobolka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la xoojiyo isgaarsiinta iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga iyo garsoorka si loo dardar geliyo hawlaha la dagaalanka kooxaha burcad-badeedda, argagixisada, iyo falalka kale ee amni-darrada.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku boorriyay dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo dhowrista sharciga, isagoo ku adkeeyay in nabadda iyo xasiloonida gobolka ay tahay tiir-dhexaadka horumarka bulshada.

Shirka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur-galbeed ee lagu xoojinayo amniga iyo sharciga, iyadoo la rajo ka qabo in tallaabooyinkaan ay horseedi doonaan in la helo jawi nabdoon oo ka hortaga falalka amni-darrada iyo musuqmaasuqa gudaha ciidamada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*