
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa bilowga todobaadka soo socda u safraya magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ay qabaneyso Midowga Afrika (AUC), ayna kasoo qeyb galayaan madaxda dalalka Africa iyo marti sharaf kale.
Sida la sheegay Wafdi horudhac u ah madaxweyne oo isugu jira Ilaaladiisa gaarka ah, xubno kamid ah hab-maamuuskiisa iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kusii wajahan Addis-ababa.
dhanka kale Inta uu caasimadda Itoobiya joogo madaxweynaha, waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalalka Afrika oo ay ugu horeeyaan kuwa martida loo yahay.
Inkastaoo maalmo ka hore uu R/Wasaare abiy uu wareeysi siiya idaacad laga leeyahay dalka itoobiya asigoo sheegay in ay qasab tahay in ay bad helaan waxaana qalad ahaa in aan ka tanaazulno bada casab ee eretrea ,,
dhanka kale madaxweeyne afawerki ayaa jawaab kulu bixiyay asigoo oo sheegay in ay diyaarsan yihiin.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag