October 7, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Muqdisho kusoo laabtay Iyo guuxa mooshin ka dhan ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu uu Maalgashi ku maseysto fursada dihan ee dalkeena ka jira

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa  booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dhanka kale Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socda guuxa Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xilli lagu waddo in uu furmo baarlamaanka Soomaaliya todobaadka soo socda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*